Madaxweynaha Algeria oo shaaciyay in uu ka haray doorashadii dalkaasi

Madaxweynaha Algeria oo shaaciyay in uu ka haray doorashadii dalkaasi

Madaxweynaha dalka Algeria Cabdicasiis Butofaliiqa ayaa maanta waxa uu ku dhawaaqay in uu ka laabtay loolankii uu ugu jiray in uu markale isku soo taago doorashada dalkaasi markii shanaad.

Madaxweyne Butofaliiqa ayaa sheegay in dhahaan uu qaban doono shir weyne qaran oo looga hadlaayo xaalada dalka iyo sidii wax looga badali lahaa Dastuurka dalkaasi.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in xaalada uu ku jiro dalka suurta gal aysan ahayn in bishan ay ka dhacdo doorasho madaxweyne .

Dad badan oo maalihii udambeeyay dibad baxyo ka dhigayay caasimada dalkaasi Algeria ayaa soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray madaxweynaha dalkaasi Algeria Cabdicasiis Butofaliiqa.

Butofaliiqa ayaa ah 82 sano jir mudo dheer dalkaasi ka soo talinaayay,waxaan xukunkiisa ka soo horjeestay shacabka ku nool dalkaasi.

Shalay ayay ahayd arkii uu xilka iska casilay Ra’isul-wsaarihii dalkaasi, Axmed Aw Yaxya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com