Madaxwayne Farmaajo oo shir muhiim u ah Afrikaanka uga qaybgalaya Uganda

Madaxwayne Farmaajo oo shir muhiim u ah Afrikaanka uga qaybgalaya Uganda

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay wehliyaan wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad , wasiiru dowlaha wasaaradda iyo saraakiil katirsan madaxtooyada ayaa xalay gaaray Uganda.

Shir looga hadlayo nabadda, is-dhexgalka iyo kobcinta dhaqaalle ee Afrika ayuu uga qaybgalayaa magaalada Kambala , iyadoo ay ka qaybgalayaan madaxwaynayaasha dalalka Uganda, Tanzania, Koonfur Afrika iyo Kenya.

Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo Uganda masuuliyiinta ka qaybgalaya shirarkan oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com