Madaxwaynaha Masar iyo dhigiisa Faransa oo kulan gaar ah ku yeeshay Qaahira

HomeWararka

Madaxwaynaha Masar iyo dhigiisa Faransa oo kulan gaar ah ku yeeshay Qaahira

Madaxwaynaha dalka Faransiis Emmanuel Macron ayaa Isniintii sheegay inuu kulan uu kula yeeshay dhigiisa dalka Masar magaalada Qaahira uu aad ugu boori

Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Daljir Boosaaso (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Somalidu Maxamy Ka Faaiidi Kartaa Xiriirka Iskaashiga Dhaqaale ee Shinaha iyo Afrika ?.

Madaxwaynaha dalka Faransiis Emmanuel Macron ayaa Isniintii sheegay inuu kulan uu kula yeeshay dhigiisa dalka Masar magaalada Qaahira uu aad ugu booriyay ilaalinta xuquuqda aadanaha oo dowladda Masar ee uu hogaamiyo CabdiFitaax Al-siisi aad loogu dhaliilo inay gaysato tacadiyo.

Macron ayaa sheegay xasiloonda iyo nabad galyada inay ku timaado wada jir iyo tixgelinta sharafta shaqsiga, sharciga oo shaqeeya iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha oo laga fogaado.

Dhankiisa madaxwaynaha Masar Siisi ayaa difaacay tilaabooyinka maamulkiisa, isagoona sheegay dowladdiisa inay u shaqayso hormarinta iyo u adeegidda bulshada, waxaana uu iska difaacay eedaymaha loo jeediyay ee ku’aadan xuquuqda aadanaha.

Heshiis ganacsi oo dhanka hubka ah ayaa dhexmaray labda madaxwayne, waxaana dalka Masar uu yahay dalka hubka ugu badan uu ka iibiyo Faransiiska , waxaana dhowaan Masar ay iibsatay diyaaradaha dagaalka, maraakiib iyo qalabka militariga ee la shaqeeya satelite-ka kaasi oo lagu qiimeeyey 1 bilyan oo yuuro, , waxaana sidoo kalle sanadkii 2015kii uu iibsaday maamulka Masar diyaaradaha dagaalka iyo gantaaalo lagu qiimeeyey 5.2 bilyan oo doolar.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: