AMISOM oo balan qaad u sameysay dowladda Puntland

AMISOM oo balan qaad u sameysay dowladda Puntland

Ergayga Gaarka Midowga Afrika ee u qaabilsan Soomaaliya ayaa balan qaad u sameeyey madaxwaynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) .

Ambasador Madeira oo ah wakiilka gaarka ee Midwoga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay AMISOM ay ka caawin doonto la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish, sida uu yiri.

Eragyaga ayaana sheegin nooca taageerada ay siinayaan Puntland.

AMISOM oo ay ka joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya inka badan labaatan kun oo ciidamo , mushaarna ay ku qaataan ayaa waxaan jirin wax hormar ah oo ay ka sameeyeen dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab tobankii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo dad badan ay u arkaan mashruuc lagu qaato dhaqaalaha Soomaaliya ee Beesha Caalamka.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com