Madaxwaynaha Mareykanka oo soo dhoweeyey in la baaro

HomeWararka

Madaxwaynaha Mareykanka oo soo dhoweeyey in la baaro

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo xafiiskiisa Aqalka Cad kula hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey su'aallo laga waydiiyo faragalinta Ruushka e

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Askar Musharkooda ku dayactiraya saldhig Ciidan (Daawo)
Wasiir Somaliland oo ka Hadlay Gabar ay isku Reer Yihiin oo Qabiilka Gabooye Guursatey (daawo)

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo xafiiskiisa Aqalka Cad kula hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey su’aallo laga waydiiyo faragalinta Ruushka ee la sheegay inuu kusameeyey doorashadii kadhacday Mareykanka.

Trump ayaa sheegay eedda inay tahay mid isaga lagu ugaarsanayo, waxaana uu sheegay inuu diyaar uu u yahay su’aalo laga waydiiyo eedamaha jira uuna la kulmo dacwad oogaha gaarka ee baaraya fadeexadda Ruushka ee doorashada Mareykanka

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo dacwad oogaha gaarka ah ee baaraya fadeexada farogalinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka Mr Robert Mauller.

Trump ayaa intaas ku daray in su’aalo weeydiinta uu rajaynayo in ay dhici doonto muddo 3 todobaad gudahood ah.

Trump ayaa horey u sheegay in aysan u badneyn in Mr Mauller uu su’aalo weeydiin doono isaga, wuxuuna baaritaanka Ruushka ku tilmaamay mid isaga lagu ugaarsanayo.

 Hay’adaha sirdoonka ee Mareykanka ayaa rumaysan inay jirto faragalin Ruushka uu ku sameeyey doorashadii kadhacday Mareykanka.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa dhanka kalle ku eedeeyey Hillary Clinton inay diyaar u ahayn baaritaan lagu sameeyo fadeexadda Emailada gaarka ah ay u adeegsatay shaqada wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: