HomeUncategorized

Madaxwaynaha Kenya oo shaaciyay xilliga ciidamadiisu ka baxayaan Soomaaliya

Nairobi, Oct 21 - Madaxwaynaha dalka Kenya Mwi Kibaki ayaa amaanay howlgalkii ciidamada Kenya, Soomaaliya iyo AMISOM ay ururka Al-Shabab ugala wareegeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Isbitaalka guud ee Garoowe oo ay jiifaan bukaan tiro badan oo la soo dhacay cudurrada ka dhashay saamaynta abaarta.
Maxamed C Carte oo kahadlay kamid noqoshadiisa barlamaanka Soomaaliya.
UNHCR oo shaacisay in dib-u-noqoshada qaxootiga Dhadhaab ay qaadanayso 10 sano oo soo socda

Nairobi, Oct 21 – Madaxwaynaha dalka Kenya Mwi Kibaki ayaa amaanay howlgalkii ciidamada Kenya, Soomaaliya iyo AMISOM ay ururka Al-Shabab ugala wareegeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Isagoo ka hadlay xuska maalinta halyeeyada Kenya oo ku beegnayd shalay 20-10-2012, ayaa waxaa uu sheegay ciidamada Kenya inay horumar wayn ka gaareen la dagaalanka Al-Shabaab.

“ciidamada Qaranka Soomaaliya, Kenya iyo AMISOM waxa ay u qabteen howsha la wareegidda Kismaayo si wanaagsan” ayuu yiri Mwi Kibaki.

Mar uu ka hadlayay xiliga ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsaday ciidamada Kenya inay Soomaaliya sii joogayaan inta ururka Al-Shabaab laga soo afjarayo.

Madaxwaynaha Kenya Mwi Kibaki ayaa dhinaca kalle xusay Kenya danaheeda ku wajahan arimaha Soomaaliya inuu yahay kaliya nabad sidii loogu soo celin lahaa Soomaaliya, si qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga dalkeeda dib ay ugu laabtaan dalkooda.

Dowladda Kenya ayaa bishii Oktoober ee sanadkii lasoo dhaafay ciidamadeeda usoo dirtay Soomaaliya, kadib markii weeraro afduub isdaba joog xubno katirsan Al-Shabaab ay ka gaysteen gudaha dalkeeda.
?

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: