Maxamed C Carte oo kahadlay kamid noqoshadiisa barlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho, Dec 06 2016–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta ku guuleystay kursiga 1aad ee Xildhibaanada Somaliland isaga oo helay 47 cod.

Mudane Maxamed Cumar Carteh oo qudbad xamaasad leh ka jeediyay goobta ayaa u ballanqaaday ergada iyo dadka Soomaaliyeed in masuuliyadda la saaray uu si hufnaan leh u gudan doono.

“Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar; Illaah baa baxsha darjada kana qaada cidda uu doono. Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan ergada ii doortay inaan magacooda ku matelo golaha shacabka, waxa aan u ballanqaadayaa inaan sharaftooda kor u qaado kana shaqeeyo danaha dadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin nabad iyo horumar islamarkaana uu ka shaqeeyn doono.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay mudan yihiin una baahan yihiin dal nabdoon oo barwaaqo ah; waa taa balanta aan ku shaqeyn doono intii karaankeyga ah”.

Mudane Carteh ayaa ugu dambeyn bogaadiyay guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Gobol islamarkaana mahadcelin ballaaran u jeediyay ciidamada amniga oo si sharafleh u gutay hawshii qaran ee ay u xil saarnaayeen.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com