Madaxwaynaha Iiraan oo si kulul uga jawaabay heshiiska Nuclearka dalkiisa

HomeWararka

Madaxwaynaha Iiraan oo si kulul uga jawaabay heshiiska Nuclearka dalkiisa

Madaxwaynaha Iiraan Hassan Ruuxaani ayaa ayaa ku eedeeyey Mareykanka iyo Faransiiska inay abuurayaa xaalado hor leh oo ka hor imaanaya heshiiskii Nucl

Garoowe lagu qabtay Kulan logu xoojinayeey Amniga Caasimadda
GAALKACYO: XAALADA NAAFADA GOBOLKA MUDUG (daawo)
Amniga garoonka Bosaaso oo ladkeeyay iyo qaar kamid ah xujaydii Puntland oo soo laabatay (dhegayso)

Madaxwaynaha Iiraan Hassan Ruuxaani ayaa ayaa ku eedeeyey Mareykanka iyo Faransiiska inay abuurayaa xaalado hor leh oo ka hor imaanaya heshiiskii Nuclearka ee Iiraan iyo dowladaha awoodda leh ee 2015kii.

Isagoo ka hadlayay magaalada Tabriz ee waqooyi galbeed Iiraan ayaa sheegay madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo uu wehliyo Donald Trump ay tahay wax aan si naba loo aqbali karin.

Waxaa uu ku eedeeyey madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Faransiiska inay qaadanayaan go’aamo aanay ogolaansho uga haysan dowladaha kalle awoodda leh ee heshiiska la saxiixday Iiraan.

“Waxaan dhowr jeer aan kula hadlay taleefanka Macron, mararna si roos ah, waxaana u sheegay inaan doonayn in wax lagu daro ama laga saaro heshiiskii Nuclearka, sababtoo ah heshiiska Nuclearka waxaa uu ahaa heshiis Nuclear” ayuu yiri madaxwayne Ruuxaani.

Waxaa uu ku eedeyey madaxwayne Trump inuu xilka la wareegay bishii January uu yahay shaqsi aan lahayn khibrad siyaasadeed, balse uu yahay nin arimaha ganacsiga kaliya wax ka yaqaana.

Shalay madaxwaynayaasha Faransiiska iyo Mareykanka ayaa dowladda Iiraan ka codsaday inay dib ugu soo laabato miiska wada hadalka ee barnaamijkeeda Nuclearka, taasi oo dowladda Iiraan u fududaysay cuno qabatayno saarnaa.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: