Mareykanka oo Dhaqaalle kusoo rogay inay bixiyaan dowladaha Hodanka ee Bariga Dhexe

Mareykanka oo Dhaqaalle kusoo rogay inay bixiyaan dowladaha Hodanka ee Bariga Dhexe

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay dowladaha hodanka ee Bariga Dhexe  inay bixiyaan dhaqaalle uu ku difaaco iyo qarashka uga baxa ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Suuriya.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay Arbacadii dowladahan inay sii jiri lahayn muddo todobaad ah, haddii Maryekanka aanay ka helin taageero.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay inay difaacaan dowladahan, oo ay tahay inay bixiyaan qarashka ciidamada Mareykanka ku baxa, isagoona aan sheegin magacyada dowladaha Mareykanka uu dhaqaalaha kusoo rogayo inay bixiyaan.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya Adel Al-Jubair oo ka jawaabaya hadalka Trump ayaa dowladda Qatar usoo jeediyay inay bixiso qarashka ciidamada Mareykanka ee Suuriya ka dagaalama ku baxa.

“Qatar waa inay bixisa dhaqaalaha ay ku joogaan ciidamda Mareykanka ee Suuriya ku sugan, waana inay ciidameeda u dirtaa halkaasi, kahor intii Mareykanka aanu kansalin difaaca dowladda Qatar” ayuu yiri wasiirka, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Sacuudi Carabiya ee SPA,

Al-Jubeir ayaa sheegay dowladda Qatar inay sii jiri lahayn muddo todobaad ah, haddii Mareykanku aanu taageerin.

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga dalka Qatar 9,000 oo ciidamo ah, badankooda ay yihiin ciidamada xagga cirka ah, boqol diyaarado oo militari ah, kuwaasi oo ku sugan goob 30km galbeed ka xigta magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Horaantii bishii April Trump ayaa sheegay Sacuudiga inuu bixiyo dhaqaalaha ciidamada Mareykanka ee Suuriya, haddii uu doonayo inay sii joogaan. waxaana dagaal ay kula jiraan kooxda Daacish.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com