Madaxwaynaha Galmudug oo gaaray Cadaado

HomeWararka

Madaxwaynaha Galmudug oo gaaray Cadaado

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulkiisa, kadib markii uu kasoo dhoofay wadanka Is

Wacaal daray ah: Wariye Garigiisa Qarax loogu Xiray Muqdisho oo Geeriyooday
Shirarka Guddiga Nabadeynta Shaqaaqadii Bossaso
Madaxwaynihii Hore ee Gal-mudug, Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo Muqdisho Aas Qaran Loogu Sameeyay (Daawo)

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulkiisa, kadib markii uu kasoo dhoofay wadanka Isutagga Imaaraatka Carabta oo muddooyinkan uu joogay.

Madaxwaynaha ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha xubno ka mid ah baarlamaanka Galmudug, wasiiro iyo dad wayne kalle.

Kahor inta uu soo gaarin magaalada Cadaado ayaa waxaa uu soo maray magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland.

Isagoo warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu ku eedeeyey madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya inay carqaladeeyeen imaatinkiisa.

Madaxwaynaha Galmudug oo taageeray isbahaysiga Sacuudi Carabiya xiisadda Khaliijka, ayaa waxaa siwayn uga horyimid guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo madaxwayne kuxigeenkiisa, waxaana ay kusoo beegmaysaa arrintan xilli maamulkiisa laga dhowrayay inuu wax ka qabto adeegyada bulshada deegaamada maamulka oo wali uu san gaarin.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: