Wacaal daray ah: Wariye Garigiisa Qarax loogu Xiray Muqdisho oo Geeriyooday

Waxaa gordhow ku Geeriyooday Magaladda Muqdisho Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo kamid ahaa Wariyaasha Muqdisho,Gaar ahaan Tv-ga Kalsan ,isago ahaa Wakiil Wareedka Muqdisho ee Tv-gaas.

Marxuumka ayaa Garigiisa loogu xiray Qarax xili uu ku sugnaa Degmadda Wadajir ee gobalka Banaadir,sida Radio daljir u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Marxuumka ayaa qaraxa loogu xiray dhinaca dambe ee Kursiga gaariga taas oo sababtay in qaybaha dambe ee jirkiisa uu qaraxa ka haleelo,waxaana an jirin cid kale oo uu qaraxas wax soo gaarsiyaay marka laga reebo marxuumka.

ilaa hadda majirto cid sheegtay qaraxa gaarigiisa loogu xiray Wariyahaas oo caan ka ahaa Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Dalka,balse wariyaasha Somaliyeed ayaa kisaaska dilkooda aad u yaraaday,mana ahaa markii ugu horeysay oo wariye qarax loogu xiro gaarigiisa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com