Wasiirka Arimaha Dibadda, Yuusuf Garaad: “Ma Saxiixi Karaan Maamulada Dalku Heshiis aan DFS Ogayn”

Wasiirka Arimaha Dibadda, Yuusuf Garaad: “Ma Saxiixi Karaan Maamulada Dalku Heshiis aan DFS Ogayn”

Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa war kasoo saartay Heshiisyada ay galayaan Madaxda Mamaul Gobaleedyada ee ay ku galayaan dalka dibadiisa, Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in ay sharci darro tahay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee dibadda ku saxiixaya heshiisyo aanay ka warqabin dowladda Federaalka ah.

Yuusuf Garaad waxaa uu yiri “madaxweynayaasha maamul Goboleedyada inta caasimad dal kale tagaan heshiis ma saxiixi karaan sharcina umalaha”.

Waxaa uu sheegay in Maamul Goboleedka uu yahay dhul ka mid ah Soomaaliya leh,Madaxweyne,Wasiirro,Baarlamaan islamarkaana leh awood la yaqaan,waxaana uu sharci darro ku tilmaamay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada garab socda.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku dhaqaaqayaan madaxweynayaasha maamul Goboleedyada qaar ay dhaawac ku tahay qarannimada Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com