Madaxii gaadiidka ee Al-shabaab  ee Jubblanad oo isku soo dhiibay ciidamada  dowladda

HomeWararka

Madaxii gaadiidka ee Al-shabaab ee Jubblanad oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 43aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-sh

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in aysan u safrin Itoobiya
Faahfaahin: Dagaalkii maanta ee Muqdisho & Khasaarihii ka dhashay (daawo)
Nabadoonada Hiiraan: “Colka iyo Colaadda waxaa laga Abaabulaa Beledweyne” (dhegayso)

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 43aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sarkaalka isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ayaa Magaciisa ku sheegay Rayaani Shiikh Nuur, isla markaana waxaa uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Gaadiidka ee Gobolada Jubbooyinka.

Sidoo kale Rayaani Shiikh Nuur ayaa sheegay in uu go’aansaday shaqsi aahaa in uu isga baxo kooxda Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay inay soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

Waxa uu ugu baaqay ragii kale ee saxaaiibadiisa ahaa ee ka bar bar dagaalamayay Al-shabaab in ay siaga soo baxaan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan inuu kasoo goostay Madaxii u qaabilsanaa dhanka Gaadiidka ee Gobolada Jubbooyinka.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: