Khamri farabadan oo lagu qabtay kastamka Tuurdibi ee Puntland

Khamri farabadan oo lagu qabtay kastamka Tuurdibi ee Puntland

Ciidamada booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay Khamri farabadan iyo dadkii watay oo doonayay in ay soo geliyaan deegaanada Puntland.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in Khamriga lagu soo bandhigay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, kuwaasi oo gaarayay ilaa iyo 490 dhalo oo Khamri ah.

waxa uu sheegay in lagu sooraray laba gaari oo nooca raaxada ah, lagana keenay degmada Gallaaddi ee dowlad degaanka Soomaalida, balse waxa uu sheegay in Ciidamada booliska ay ku qabteen kastamka Tuurdibi ee Puntland.

Talayaha ayaa Warbaahinta usheegay in ragii watay khamrigan ay maxkamad soo taagi doonaan dhawaan.
Diiwaanka warraka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com