Madaxda Ururka ONLF oo sheegay inay Socdaal ku marayaan Gobalada Dalka

HomeWararka

Madaxda Ururka ONLF oo sheegay inay Socdaal ku marayaan Gobalada Dalka

Iyado dhawaan ay so baxayeen Wararka sheegaya in Masuuliyin ka tirsan Ururka ONLF ay socdaal ku tagi donaan Magaaladda Muqdisho iyo qaar kamid ah Goba

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Qardho Tababar Ciidamo ugu soo xiray (Daawo)
Soomaaliya Oo Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika (COMESA)
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo guddoomiyay Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya

Iyado dhawaan ay so baxayeen Wararka sheegaya in Masuuliyin ka tirsan Ururka ONLF ay socdaal ku tagi donaan Magaaladda Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobalada dalka somaaliya ayaa waxaa arrimahaas ka hadlay Afhayeenka Ururkaas.

C/qaadir Xasan Hir-goome Afhayeenka Jamhadda ONLF oo isaga Oo Ku Sugan Magaalada Addis-AbabaWarbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inay tagi donaan dhulka DDSI oo ay socdaal ku mari donaan.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Dalka,isla markaana dhawaan ay booqan donaan ,isagoo fariin u diray dhamaan shacabka Somaliyeed.

Cadaani ayaa sheegay in Rajo wanaagsan ka qabaan inay tagaan gobalo baddan oo kamid ah dhulka Somaalida ,isla markaana kulamo kala duwan la qaatan qaybaha kala duwan ee Bulshadda,wuxuna sheegay sido kale inay booqan donaan Jabuuti.

Wuxuu sheegay in kulankii dhawaan Magaaladda Addis ababa ku yesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Guud ee Ururka ONLF in uu kusoo dhamaaday Is Afgarad,isla markaana Qodobo muhiim ah laga wada hadlay.

Labadda Masuul ayuu sheegay inay isku afgarteen midaynta shacabka Somaliyeed iyo sidii Somaaliya looga saari lahaa burburka ,isla markaana shacabkeeda u noqon lahayeen kuwo u hogaansan dowladnimadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: