Xiisad Wali katagaan degaanka Dhumay ee Gobalka Sool (dhegayso)

Xiisad Wali katagaan degaanka Dhumay ee Gobalka Sool (dhegayso)

Deganaansho ayaa maanta laga soo sheegayaa iney ka taagan tahay deegaanka Dhumay oo ay ku dagaallameen Beello wada deggan halkaasi.

Goob jooyaal ayaa soo sheegaya in xaaladdu tahay mid caadi ah, balse ay jirto xiisad u dhaxeeysa beelihii dagaallamay.

Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhintey dagaalladii ugu dambeeyey ee shalay ka dhacay deegaanka Dhumay, waxaana dhanka kale socda dedaallo lagu doonayo in xiisaddan lagu qaboojiyo.

Dagaalladan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo beelahan horey uga dhaxeysay, iyadoo ay jireen dedaallo horey dhinacyadan heshiis loogu dhex dhigay.

Dhanka kale, dagaalkan ayaa waxaa jira guryo badan oo ku gubtay, iyadoo dhanka kale dadweyne badan ay barakaceen.

Cabdirisaaq Axmed Cilmi Carddoofe oo kamid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa iiga warramay xaaladdihii ugu dambeeyay ee deegaankaasi .

Wariye Axmed Sheekeeye ayuu uga warramay arrintaas .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com