HomeUncategorized

Madaxda Soomaalida oo shir uga furmay magaalada Muqdisho.

Garoowe, Sep 06 2016--Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka furmay shirma wadatashiga madasha qaran ee doorashada Soomaaliya, oo ay ka qaybgelayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Guddiga Tartan iyo Tacliin oo shaaciyey isku aadka dugsiyada sare u soo gudbay wareega labbaad.
DHEGEYSO-Xaaladda abaareed ee deegaamada Puntland oo ka siidaraysa.
DHEGEYSO-Ra’iisul wasaaraha oo Muqdisho ka furay wado muhiim ah.

Garoowe, Sep 06 2016–Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka furmay shirma wadatashiga madasha qaran ee doorashada Soomaaliya, oo ay ka qaybgelayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.  

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay waxaana lagu waday in uu shalay Furmo , laakiin dib u dhac ayaa ku yimid oo maanta ayuu furmay.  

Shirkan ayaa inta badan waxyaabaha diirada lagu saari doono waxaa ka mid ah turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa, Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin, iyadoo dalabaad kala duwan oo arintaasi ku saabsan loo jeedinaayay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: