Madaxda ONLF oo ku wajahan Muqdisho

Madaxda ONLF oo ku wajahan Muqdisho

Guddoomiyaha guud ee jamhadda ONLF Maxamed Cumar Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo saraakiisha jamhadiisa katirsan ayaa ku wajahan Muqdisho.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan dalka Asmara ayaa sheegay wafdigan inuu casuumay madaxwaynaha Soomaaliya, kadib kulamo uu kula yeeshay magaalada Asmara.

Itoobiya iyo ONLF oo dagaal muddo dheer uu ka dhaxeeyay ayaa dhowaan heshiisyo gaaray, taasi oo badashay aragtidii dowladda Soomaaliya ee la xiriirtay ONLF oo ay horay ugu tilmaamtay urur argagaxiso.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 2 weeks

    WEL COME TO MOGADISHU CITY.
    ONLF WAA URUR KA DAGAALAMAY GUUMAYSIGA ETHIOPIA AYKU HAYSO SOOMALI GALBEED!.