Ciidamada Somaliland oo gaaray deegaanka Dhumay ee gobolka Sool

Ciidamada Somaliland oo gaaray deegaanka Dhumay ee gobolka Sool

Ciidamada Somaliland ayaa gaaray deegaanka Dhumay oo uu ka dhacay dagaal ay ku geeriyoodeen dad ka badan toban qof, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa wararku sheegayaan in xaaladdu tahay hadda mid degan.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay dagaalkan inuu yahay wax laga xumaado.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo kasoo jeeda beelo walaalo ah ayaa horay u gaaray heshiisyo nabadeed, inkastoo wali la garan yahay sababaha soo celcelinaya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com