Madaxa xukumadda Galmudug oo la kulmay Saraakil AMISOM ka tirsan.(Sawiro)

Madaxa xukumadda Galmudug oo la kulmay Saraakil AMISOM ka tirsan.(Sawiro)

Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Maanta kulan la qaatay Saraakiil kasocota yAmisom gaar ahaan Sectorka Gobalka Hiiraan,kuwaas oo gaaray Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimaha Amaanka ee Gobalka iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaay sidii loo xareyn lahaay Deegaanada gacanta ugu jira Ururka Al-Shabaab

Saraakiishaan katirsan AMISOM ayaa Madaxa Xukumadda Galmudug ugu mahad celiyay halgankii Nabada Gobolada Hiiraan Galgaduud iyo Mudug oo ay Kaga saareen Al-Shabaab Maamulka Ahlusunna.

Sidoo Kale Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug DSheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Saraakiisha AMISOM ugu Mahad Celiyay Taageerada ay siiyaan Ciidamada Dowladda ee Dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo waliba doorkii ay qaateen in Deegaano badan laga saaro Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com