Madaxdii hore ee dalka oo Muqdisho kaga dhawaaqay isbahaysi Cusub.(Daawo)

HomeWararka

Madaxdii hore ee dalka oo Muqdisho kaga dhawaaqay isbahaysi Cusub.(Daawo)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda ee Soomaaliya, iyadoo madashaas ay ku jiraan illaa 10

Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 58aad-(dhegayso|daawo)
Bacaha iyo dhaqan gelid la’aanta joojinteeda, iyo sida lagu joojin karro (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda ee Soomaaliya, iyadoo madashaas ay ku jiraan illaa 10 Xisbi.

Shir ay yeesheen Xisbiyadan ayaa waxaa hormuud u ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh, waxaana shirkan uu ahaa mid labadii maalmood ee la soo dhaafay u socday.

Xisbiyadan ayaa ku dhawaaqay Madal loogu magac daray Mashada Xisbiyada Qaran, waxaana lagu doortay Afhayeen KMG ah oo lagu magacaabo C/latiif Muuse Sanyare oo ahaa Xildhibaan hore, waxaana go’aan lagu gaaray in si wadajir ah looga shaqeeyo xaalada dalka oo meesha hada uu maraayo u arkaan inay ku socoto waddo qaldan.

Xisbiyada ku bahoobay Madashan ayaa waxay kala yihiin Himilo Qaran, UPD, Horusocod, NDP Wadajir, MBDA iyo kuwa kale, waxaana ka dhex muuqda siyaasiyiin, Xildhibaano iyo madax hore.

Si kastaba ha ahaatee isbaheysigan cusub ayaa muujinaya inay isu keeneen cududooda siyaasadeed, inkastoo aanay hoggaan dooran, hadana waxaa loo arkaa inay hal dhinac uga soo wada jeesteen Madaxda xilligan heysa talada dalka.

Hoos ka daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: