Maayar Magaalo ku taal Bolivia oo timaha xoog looga Jaray

HomeWararka

Maayar Magaalo ku taal Bolivia oo timaha xoog looga Jaray

Maayarka magaalo yar oo ku taal wadanka Bolivia ayaa waxaa soo weeraray dibad baxayaal mucaarad ah, kuwaas oo ku jiiday waddooyinka iyadoo cagacad, wa

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare khayre oo ku Guuleystay in heshiis Nabadeed laga gaaro Colaaddii u Dhexeysay Bulshada Huurshe iyo Xeraale. (Daawo)
Qaar kamid ah Ergadii soo xushay baarlamaanka Soomaaliya oo dhaqan galiyay amarkii Al-shabaab

Maayarka magaalo yar oo ku taal wadanka Bolivia ayaa waxaa soo weeraray dibad baxayaal mucaarad ah, kuwaas oo ku jiiday waddooyinka iyadoo cagacad, waxa ay ku shubeen riinji gaduud ah sidoo kalana waxa ay xoog uga jareen timihii.

Patricia Arce ayaa ka tirsan xisbiga haya talada ee Mas, waxaana lagu wareejiyay booliska magaalada Vinto saacado kaddib markii la qabsaday.

Waa dhacdadii ugu dambaysay falal qul-qulatooyin iyo iskudhacyo xiriir ahaa oo u dhaxeeyay taageerayaasha dowladda iyo mucaaradka, kadib doorashadii madaxtinimada ee uu muranka badan ka dhashay.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ilaa iyo haatan dhimatay, waxaana dadka dhintay ku jiray arday 20 sano jir ahaa.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: