Maxkamad ku taala New York oo Donald Trump ku ganaaxday lacag dhan 2 Malyan oo doolar

Maxkamad ku taala New York oo  Donald Trump ku ganaaxday lacag dhan 2 Malyan oo doolar

Madaxweyne Trump iyo saddexdiisa caruur, isla markaana aanan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, waxaana uu intaa raaciyay in lacagtaas ganaaxa uu Madaxaweynaha jeebkiisa ka bixiyo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Letitia James ayaa sidoo kale sheegay in caruurta uu dhalay Madaxweyne Trump ee kala ah Donald Trump Jr, Eric Trump iyo Ivanka Trump oo ka mid ahaa maamulka hey’adaas haatan laga doonayo in ay qaataan tababar qasab ah oo ku saabsan maareynta maamulka hey’adaha.

Garsoorka ayaa amray in lacagtaas farta laga saaro sideed hey’adood, kuwaas oo aan wax xiriir ah la lahayn Madaxweyne Trump, kana madaxbanaan.

Madaxweyne Trump iyo qareenkiisa ayaa ku dooday in arrintan ay tahay mid siyaasadeysan, waxaana uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga oo uu sheegay in ay sameynayaan waxwalba, si ay isaga u dacweyaan.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com