Maamulka Somaliland oo shaaciyeey kisaas cusub oo COVID-19

Maamulka Somaliland oo shaaciyeey kisaas cusub oo COVID-19

Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 68 ruux,balse Cudurka laga helay 6 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 5 Rag ah hal Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 5 Magaalada Hargeysa, hal Ruux Magaalada Ceerigaabo.

Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 704 Ruux 156 Qof ay ka bogsoodeen halka 28 Ruux ay u geeriyoodeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com