Maamulka kumeel gaarkaa ee Kismaayo oo ka warbixiyay hay’ado samafal oo Kismaayo tagay.

Kismaayo, Jan 16- Maamulka kumeel gaarkaa ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa ka hadlay hawlaha samafalka ee xiligan ka socda magaaladaasi.


Madaxa Samafalka ee maamulka Kismaayo? Macalin Xaashi C/raxmaan oo waraysi siiyay radio daljir ayaa sheegay inay muddooyinkii danbe soo hagaagayeen xaaladaha caafimaad darro ee magaalada Kismaayo, isla markaana ay jiraan hay’ado samafal oo soo gaaray deegaanka.


Macalin Xaashi ayaa tilmaamay inay hay’adaasi ay u kuur galeen nolosha dhabtaa iyagoo si gaara diiradda u saaraya hawlaha bani’aadantinimo ee sida dhabtaa u jirta iyo saamaynta nololeed ee colaadaha soo noqnoqda.


Boqolaal qoys ayaa magaalada dekaddaa ee Kismaayo ka bara baxay dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay ka dib markii furin ay u noqotay dagaal soo laab-laabta, halka ay jiraan qoysas ku dhex nool gudaha oo u baahan gargaar.


Diiwaanka Wararka daljir
Kismaayo
(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com