Dhegeyso: Arrimaa Maanta looga hadlay shirka wadatashiga Beelaha Puntland

Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (Daljir) —Shirkii Wadatashiga beelaha Puntland ayaa maalintii labaad si habsami leh uga socda xarunta gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacayo waxaana maanta si durugsan looga hadlay arrimaha amaanka Puntland iyo baahiyaha dhinaca nabad-gelyada ee jira, caqabadah ka jira dhinaca waxbarashada, dhinaca xuduudaha iyo dhinaca caafimaadka, iyo dhinacyada kale ee asaaska nolosha bulshada Puntland.
 
Shirka oo maanta u dhacay hab dood wadaag ah ayaa qof walba kusoo dhandhigay caqabadaha u muuqda ee ku aadan dhinaca horumarinta maamulka iyo dhaliilaha ka jira hadafyadii la qorshayey asaaska Puntland ee aan wali lagu guulaysan, sidaasi waxaa Daljir u sheegtay Maymuun Faarax Samantar oo xubinka ah gudiga qaban-qaabada shirka wadatashiga.
 
Maymuun waxaa ay sheegtay in gelinka danbe ee maanta shirka diiradda lagu saari doono sidii Puntland uga gudbi lahayd habka qabaliga ah ee ay haatan ku dhisan tahay iyadoona laga arrinsan doono sida ugu haboon ee loogu gudbi karo nidaamka demuquraadiga ah iyo doorashooyinka xorta ah, waxaa shirka goob joog ka ah guud ahaan ergooyinka kala matalaya beelaha Puntland iyo masuuliyiinta dowladda Puntland oo ugu horeeyo Madaxweyne Gaas.
 
Dhegeyso Waraysi uu Maymuun la yeeshay Wariye Kooshin oo Daljir ka tirsan.
 

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com