Maamulka Jubbaland oo Sheegay In Abaaro au ku dhufteen deegaano ka mid ah Jubbaland

HomeWararka

Maamulka Jubbaland oo Sheegay In Abaaro au ku dhufteen deegaano ka mid ah Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland a

WARKA FIIDNIMO | CABDIFATAAX CUMAR GEEDI | DALJIR QARDHO
Musharrax Aadan Gaadaale oo Garoowe soo gaaray (dhegayso)
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda ku nool Jubbaland.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Jubbaland ay u baahan yihiin gurmad caalami ah iyo in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo qoysaska ay abaaruhu ku dhufteen.

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay Dhammaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay hada xiliga ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo baahan yahay.

Qaar ka mid ah xoolaha nool ee uu caanka ku yahay Jubbaland ayaa la sheegayaa inay dhimanayaan kadib markii ay roobabkii deyrta ay soo daaheen isla markaana roobab wanaagsan aysan ka di’in xilligii guga ee la soo dhaafay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: