Maamulka Jubbaland oo eedeyn culus u jeediyey dowladda dhexe Soomaaliya

HomeWararka

Maamulka Jubbaland oo eedeyn culus u jeediyey dowladda dhexe Soomaaliya

Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliye

GAALKACYO: Shirweynaha Wadatashiga Beesha Sacad (war-murtiyeed)
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | Taxanaha 99aad (dhegayso)
Maamulka gobalka Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha xaafaddaha Bosaaso (Daawo)

Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay Dowladda Federaalku ku khal khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo.

Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay in ay ku bur-buriso nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyada oo adeegsanaysa kooxo malayshiyaad ah.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Jubbaland ay Caddaaladda horkeeni doonaan Kooxdii rabashadaha ka sameysay Kismaayo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka Jubbaland heegan Buuxa la geliyay si looga hortaggo weeraro kaga yimaada dowladda Soomaaliya.

Khilaafka ka dhex taagan maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa xoogeystay Sanadyadii bilihii ugu dambeeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: