Maamulka Hiirshabeele oo ka hadlay diyaarad ku burburtay Baladweyne

HomeWararka

Maamulka Hiirshabeele oo ka hadlay diyaarad ku burburtay Baladweyne

Maamulka Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka Hiiraan ku dhuftay

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Madaxweynaha KGS?
Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)
Iiraan oo sheegtay inay qabatay markab shisheeye ah

Maamulka Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka Hiiraan ku dhuftay oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday Garoonka, islamarkaana la waayay dabdamis, maadaama uusan la aheyn Garoonka Ugaas Khaliif.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin khasaare nafadeed oo ka dhashay diyaaraddaan, laakiin ay ku gubteen wixii saarnaa.

“Waa ayaan-darro in garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska , waxaana mas’uuliyaddaas qaadanaya dowladda dhexe iyo ciidamada AMISOM”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda oo dooneysay inay cago dhigato garoonka balse dhacday dabadeedna uu dab ka kacay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: