Maamulka gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay dad loo qabtay dil ka dhacay Beledweyne

HomeWararka

Maamulka gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay dad loo qabtay dil ka dhacay Beledweyne

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdala Inji ayaa sheegay in Amniga guud ee Magaalada Beledwyene xilligaan uu yahay mid wan

Gantaalo markale lagu garaacay magaalada Bahir Dar ee Caasimadda ismaamulka Amxaarada.
Xafiiska Difaaca Xuquuqul Aadanaha Puntland oo Tababar u qabtay Culumadda Bosaaso (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Ibraahin, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdala Inji ayaa sheegay in Amniga guud ee Magaalada Beledwyene xilligaan uu yahay mid wanaagsan, hayeeshee ay jiraan falal amni darro oo ay mararka qaar geystaan Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dilkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beleweyne uu ahaa Guddoomiyihii hore ee waxbarashada gobolka Hiiraan, hayeeshee Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa hir-Shabeelle ay wadaan dadaalo lagu sugayo amniga.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdala Inji waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay jiraan dad ay u qabteen dadkii Magaalada Beledweyne  loogu geystay ku dileen Guddoomiyihii hore ee waxbarashada gobolka Hiiraan  Cusmaan Caato, isla markaana baaritaano ay ku hayaan.

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dilal qorsheysan iyo qarax yo lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed oo kamid aheyd Golaha Shacabka iyo dad kale

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: