Gantaalo markale lagu garaacay magaalada Bahir Dar ee Caasimadda ismaamulka Amxaarada.

HomeWararka

Gantaalo markale lagu garaacay magaalada Bahir Dar ee Caasimadda ismaamulka Amxaarada.

Warbaahinta ku hadashay ismaamulka Amxaarada ayaa baahisay in xalay dhowr Gantaal lagu garaacay Magaalada Bahir Dar oo Caasimad u ah ismaamulkaas, ink

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Go’aan Kasoo Saaray Kiiskii Cabdikareem Qalbi dhagax (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan (dhegayso)
Ciidamo dowladda ka tirsan oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Warbaahinta ku hadashay ismaamulka Amxaarada ayaa baahisay in xalay dhowr Gantaal lagu garaacay Magaalada Bahir Dar oo Caasimad u ah ismaamulkaas, inkasta oo aysan soo bandhigin waxyeelo ka dhalatay.

Mas’uuliyadda ugu weyn waxaa dusha laga saarayaa ismaamulka Tigray oo horay u sheegtay Gantaallo sidaan oo kale lagu tuuray Magaalada Bahir Dar todobaadkii hore, mana la sheegin khasaare ka dhashay.

Qalqal & kala carar ayaa ka dhashay markii la maqlay daryanka Gantaallada sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka Caasimadda, dagaal yahannada TPLF ayaa bilaabay todobaadkii tagay in ay tuuraan Gantaallo ku kala dhacay Asmara oo ah Caasimadda Eretareeya & Bahir Dar oo xarun u ah Ismaamulka Tigray.

Caasimadda Ismaamulka Amxaarada waxaa kunool dad gaaraya 750,991-ruux sida ku cad daraad uu sameeyay Bangiga adduunka sanadkii 2016-kii, cabsida ugu weyn ee haatan lasoo deristay waa Gantaallada markii labaad ku hoobtay Bahir Dar.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Itoobiya ayaa ku doodaya in gantaallada Tigrayga ay ku garaacayaan meelaha ka baxsan goobaha dagaalka ay ku doonayaan in ay muujiyaan baaxadda awooddooda military.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa hoggaanka TPLF oo qaarkood & saraakiil kale oo kasoo jeeda Tigray loo jaray warqadda lagu soo xirayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: