Maamulka gobalka Hiraan oo amray in ciidamo la dhex dhigo maleeshiyo beleed  dagalamay

HomeWararka

Maamulka gobalka Hiraan oo amray in ciidamo la dhex dhigo maleeshiyo beleed dagalamay

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ku baaqay in sharuud la’aan ah loo joojiyo Dagaalka ka Socda degaanka Harcadeey oo oo qiyaastii 6km dhanka Gal

Warkii Fiidnimo ee Daljir iyo Shaafici Cabdulqaadir Warsame (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in Doorashada Galmudug ay ka dhacayso Dhuusamareeb

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ku baaqay in sharuud la’aan ah loo joojiyo Dagaalka ka Socda degaanka Harcadeey oo oo qiyaastii 6km dhanka Galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.

Guddoomiyaha Gobolka Hiira Cali jeyte Cusmaan ayaa faray Laamaha amaanka in ay kala dhexgalaan dagaalka ka-dhex Qarxay Maleeshiyo beeledyadda ku dagaalamayo Halkaas, kuwaas oo isku heysta dhul Beeraleey ah.

Taliyaha Guutada 5aad Qeybta 27aad Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaliyeed

Maxamud X assan Ibraahim Baakay &Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle Korneyl Xassan Dhisisoow Xassan ayaa qorsheynaya inay siwadajir ah Ciidan kala Dhex-dhigaan maleeshiyaadka dagaalamaya, iyada oo sidoo kaler ay tegi doonan Xubno ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: