Galmudug oo bilowday dayactirka Wadooyinka Dhuusamareeb (Sawiro)

Waddadaan oo Halbowle u ah isu socodka Gaadiidka iyo Dad waynaha Xaafada Dayax ee Magaalada Dhusamareeb ayaa laga bilaabay Dayactir iyo Hagaajin ka dib markii ay gooyeen Daadadka Roobabkii Dhowaan Magaalada ka da’ay.

Howshaan ayaa waxaa si isxilqaan ah ku wada Bulshada Xaafada Dayax iyo Dhalinyarada Magaalada waxaana Waddada la saarayaa Cara-kaawo iyo Jaay.

Gudoomiyaha Xaafada Dayax Axmed siciid iyo C/llaahi Salaad oo ka mid ah Guddiga Dhismaha Waddadan ayaa sheegay in hawsha dib u dayactirka waddan ay meel wanaagsan mareyso.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa Dhalinyarada dhisaysa Waddada Xaafada Dayax ku dhiiri galiyey, kuna amaanay Shaqada ay Bulshada u hayaan waxuuna Balanqaaday in uu bixinayo 30 Kaariko oo Caro Kaawo ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com