Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in Doorashada Galmudug ay ka dhacayso Dhuusamareeb

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in Doorashada Galmudug ay ka dhacayso Dhuusamareeb

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in doorashada Maamulka Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb 4ta bisha Juley ee sanadkan ayna ku eg tahay muddo xilleedka hadda jira.

Wasaarada Arimaha gudaha warkan ay soo saartay ayaa imaanaya xili Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb isla markaana heshiis uu la galay Kooxda Ahlu Sunna.

Hase yeeshee Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa ku dhowaaqay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado isla 4ta bisha July ee sanadkan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com