Maamulka degmada oo danyarta Tuli Guuleed raashin gaadhsiiyey

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Maamulka degmada oo danyarta Tuli Guuleed raashin gaadhsiiyey

Guddoomiyaha degmada Tuli Guuleed ee gobolka FAAFAN, Md. Guuleed Maxamed Ismaaciil, ayaa shacabka danyarta ah ee degmada gaadhsiiyey caawimaad raashin

Xukuumadda DDS oo Shacabka Salaxaad & Raaso Nabad ugu Baaqday
ROOBKII GU’GA OO KA CURTAY JIGJIGA (sawirro)
AFUR WADAREED| Ururka Dhalinyarada ee Hiil-Shacab Afur Wadareed ku qabtay Magaalada Qabri-Bayax

Guddoomiyaha degmada Tuli Guuleed ee gobolka FAAFAN, Md. Guuleed Maxamed Ismaaciil, ayaa shacabka danyarta ah ee degmada gaadhsiiyey caawimaad raashin ah. Guddoomiye Guuleed Maxamed Ismaaciil oo bilihii la soo dhaafay loo magacaabay xilka guddoomiyenimo ayaa ku guulaystay inuu tuulooyin badan shacabkii laga barakiciyey uu dib-u-dajin u sameeyo.

Tuulooyinka dib-u-dajinta loo sameeyey ayaa waxaa kamid ah:
1. Sandacare
2. Uuswayne
3. Dharcaseeye
4. Walgo
5. Ceelmaal
6. Dhuxuloley
7. Feedhacad

Raashinkan caawimaada ah ayaa waxaa iska kaashaday soona gaadhsiiyeyna maamulka degmada
ganacsato ka soo jeeda degmada Tuli Guuleed.

Maamulka degmada Tuli Guuleed oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Guuleed Maxamed Ismaaciil ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay dib-u-dajin degdeg ah ugu heli lahaayeen shacabka laga soo barakiciyey guryahoodii iyo deegaanadoodii.

 

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: