HomeUncategorized

Maalinta biyaha dunida oo laga xusay Garoowe

Garoowe, March 22- Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta biyaha adduunka oo sanad walba maantoo kale 22-ka bisha 3-aad dunida laga xuso.

DHAGAYSO: Tarsan oo si Adag uga Hadlay Xadhig RW Somaliya loogu Gaystay Nairobi,Dhaliil-na u Jeediyay Dowladda
Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo ku Dhagax dhigay Madaxtooyo cusub
DHAGEYSO Caawa & Daljir Xassan Haykal Boosaaso

Garoowe, March 22- Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta biyaha adduunka oo sanad walba maantoo kale 22-ka bisha 3-aad dunida laga xuso.


Munaasabadda lagu qabtay Garoowe ee lagu waynaynayay maalinta biyaha adduunka waxaa soo abaabushay hay’adaha biyaha ee PASWEN, waxaana ka qayb galay khabiiro dhanka biyaha iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay faa’iidada noolaha ee biyaha iyo sida looga manaafacaadsan karo.


Xuska sanadkan maalinta biyaha ee sanadkan ayaa wax badan ka badalan sanadkii hore, maadamaa sanadkan aysan jirin baahi weyn oo dhanka biyahaa oo xiligan la qabo inkastoo dalka meelo ka mida ay ka jiri karaan biyo la’aan.


Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo guud ahaanba caalamka ayaa sidoo kale lagu qabtay munaasabado lagu xusay maalinta loo asteeyay biyaha adduunka ee 22-ka Maarso.


Diiwaanka Wararka daljir
Garoowe
(S)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: