Dadku u dhimanaya cudurka shuban biyoodka Baladweyne oo sii kordhaya

Baladweyne, March 22- Wararka maantoo jimcaa naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya inay soo badanayso tirada bukaanada u geeriyoonaya cudurka shuban biyoodka oo deegaankaas fara kulul ku haya.


Wariyaheena inooga soo warama gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya illaa xalay oo kaliya inay cudurka shuban biyoodka ay u geeriyoodeen illaa 10-qof.


Cisbitaalka guud ee magaalada iyo xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay waxaa buux dhaafiyay bukaanada u jiifa cudurka shuban biyoodka.


Inkastoo saamayn dhanka noloshaa bulshada Baladweyne uu ku reebay cudurka shuban biyoodka hadana waxaa dadaal wax u qabashaa samaynaya ciidanka Amisom ee ka socda jamhuuriyadda Jabuuti.


Si kastaba toddobaadyadii ugu danbeeyay waxaa fara kulul magaalada Baladweyne ku hayay cudurka shuban biyoodka.


Diiwaanka Wararka daljir
Baladweyne
(S)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com