Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africom kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africom kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Mareykanka ka jooga Afrika ee loo yaqaano ( Africom) Janeraal Michael Langley oo uu wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André.

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay iskula soo qaadeen muhiimadaha iyo howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah degaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Arika taageerada amni oo ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamo kamid ah kuwa mareykanka, kuwaas oo Saldhigooda ugu weyn uu kuyaallo Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana mararka qaar ay ciidamada Mareykanka fuliyaan duqeymo dhinaca cirka ah oo ay la beegsadaan Saldhigyada Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com