loolanka dowladda iyo Ahlusunna ee dhismaha Galmudug (Warbixin)

loolanka dowladda iyo Ahlusunna ee dhismaha Galmudug (Warbixin)

Guddiga farsamada dhismaha Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa loogu sameeyay kulan soo dhoweyn ah.

guddigan ayaa ballan qaaday in ay si caddaalad ah ugu shaqeynayaan Bulshada degaannada Galmudug si loo helo maamul loo dhanyahay oo ka qeyb qaata horumarka Dalka.

Cabdulqaadir Nuur Carraale iyo Cabdinaasir Geelle oo xubno ka ah Guddiga farsamada dhismaha Galmudug, ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan dhismaha maamul loo dhanyahay oo ku saleynsan caddaalad iyo daah-furnaan.

dhanka kale shalay isla hoolka maanta ay ku shireen guddigan waxaa ku kulmay kuklan guddigii uu soo magacaabay Sheekh Shaakir ee Ahlusuna.

Khilaafka dowladda iyo Ahlusunna ayaa maraya heerkii ugu xumaa, waxayna Ahlusunna dhowr jeer oo hore ku celcelisay in ay dowlada ka baxday heshiiskii ay wada gaareen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com