C/raxmaan C/shakuur “Jidadka Muqdisho waxay marayaan heer dhagax inay dhaaftay oo Ganjeelo lagu xiro”

HomeWararka

C/raxmaan C/shakuur “Jidadka Muqdisho waxay marayaan heer dhagax inay dhaaftay oo Ganjeelo lagu xiro”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa mar uu ka hadlaayay amniga caasimada waxa uu yiri“ magaalada Muqdisho waxey mareysaa heer dhagax inay dhaaftay oo ganje

Shirka Muqdisho, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka (Akhriso)
Sheekh Maxamed Ibraahim kenyaawi oo Garoowe gaaray (Daawo)
XULASHADA DALJIR | XAAWO AXMED MAXAMED | GAROWE 9- JANUARY- 2023

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa mar uu ka hadlaayay amniga caasimada waxa uu yiri“ magaalada Muqdisho waxey mareysaa heer dhagax inay dhaaftay oo ganjeel lagu xiro, war jidka ganjeelka lagu xiraayo askar waardiyeeso hala dhigo,dadka Canshuuraa laga qaadaa askartana mushaaraa la siiyaa, askarta hala dhigo ha waardiyeeyaan” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo u waramay Warbaahinta Mustaqbal.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan Cshakuur ayaa isdul taagay dhibaatada amni xumo ee u gaarka ah shacabka Muqdisho, isagoo soo jeediyay iney tahay in dhibta ku kooban Caasimada in lala wadaago, si lamid ah sida loola wadaago dhaqaalaha ay iyada soo saarato.

Waxayaabaha uu taabtay waxaa kamid ah sidii matalaad ay Shacabka Muqdisho ugu heli lahaayeen dowladda, wuxuuna tilmaamay in dowladda ay dano Siyaasadeed ku wadato arrinta Maqaamka Muqdisho.

Waxa uu ugu danbeyn talo ku siiyo madaxda sare ee dowladda iney xal ku dayaan wixii khilaafaada ee ka hor yimaada, wuxuuna tilmaamay in laga soo gudbay Sooyaalkii Taariikhda waqtiyadii awoodda wax lagu maquunin jiray.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Mumin 5 years ago

    Cabdiraxman cabdishakuur mar marka qaar waxa surto gala inu kalmaad runa sheego. Lakin wa qaa in wuxu ula jeeda inuu wax ku dimiyo.

DISQUS: