Xuseen Macalin “Al-Shabaab waxay bilaabeen inay dowladeeyaan oo amaradooda toos u dhaqan galo”

Xuseen Macalin “Al-Shabaab waxay bilaabeen inay dowladeeyaan oo amaradooda toos u dhaqan galo”

La Taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Xuseen Macalin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen inay dowladeeyaan oo ay soo saaraan awaamiir toos ah oo ka dhaqan gashay Muqdisho iyo gobolada dalka.

“Al-Shabaab dad waa dili jireen, weeraro waa geysan jireen, balse haatan waxay bilaabeen qaabkii dowladeynta oo oo ay gaarsiiyeen meel kasta oo dalka ka mid ah, labo arrimood ayay xoojiyeen oo dowladnimada aas aas u ah, sida canshuurta dowlada qaado oo kale, xukunka iyo cadaalada”ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale waxaa uu loo baahan yahay arrintaas in la ogaado khatarteeda, isla markaana lala yimaado sida lagu joojin lahaa.

“Qof socda ayaa u tagaya nin Ganacsade ah wuxuu leeyahay anigoo xubin Shabaab ah, lacag ayaa laga rabaa, halkii shalay taleefan la isku soo diri jiray, hada waxaa timid toos, waana joogista muuqata ee Al-Shabaab”ayuu yiri Xuseen Macalin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com