liiska saxiixayaasha Galmudug oo maanta la gudbiyay

liiska saxiixayaasha Galmudug oo maanta la gudbiyay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda howlo loogu diyaar garoobayo doorashooynka Maamulka Galmudug,sida xulista Baarlamaanka iyo doorashada Guddooomiyaha, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Wasaarada Arimaha guddaha ayaa Gudigga doorashooyinka u gudbisey liiska Saxiixayaasha oo ka kooban 43 Xubnood, kuwaas oo ahaa saxiixayaashii soo dhisey maamulka Galmudug , iyada oo ay socdaan kala habeynta iyo diyaarinta qorshaha odayaasha.

Maalinta berito oo Sabti ah ayaa la filayaa in la xareeyo Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug,isla markaana Caawa la dhameystiro aqoonsiyada madasha shirka, maadaama barito uu furmayo.

Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyey Amniga Magaalada Dhuusamareeb,waxaana saacadihii la soo dhaafay kulamo xasaasi ah oo amniga looga hadlayay yeelanayay Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dowladda & kuwa Galmudug eek u sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 23-ka Bisha soo socota ee December,waxaana xusid mudan in hoggaanka Ahlusunna ay saluugsan yihiin habka ay dowladda Federaalka u wado dhismaha Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com