HomeUncategorized

Labo carruur ah oo ku dhintay roobab mahiigaan ah oo ka da?ay gobolka Nugaal.

Godobjiiraan, Apr 27 - Labo carruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay deegaanka la yiraahdo Godobjiiraan oo ka tirsan gobolka Nugaal ka dib markii uu

Ciidamo Ethiopian ah oo gaadhey degmada Qansax dheere ee gobolka Baay
DHAGAYSO Dagaal Dhexmaray Somaliland iyo Puntland
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku heshiiyay sameynta guddi iskaashi oo heer wasiir ah

Godobjiiraan, Apr 27 – Labo carruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay deegaanka la yiraahdo Godobjiiraan oo ka tirsan gobolka Nugaal ka dib markii uu la tagay webi ku soo fatahay deegaankaasi.

Maxamed Salaad oo ka mid dadka deegaanka uu shilku ka dhacay ayaa u sheegay idaacadda Daljir in labada carruunrta ay kale ahaayeen wiil 10 jir iyo gabar 8 jir ah oo walaalo ah ayna carruurtu xoolo la joogeen markii uu daadku qaaday.

Shilka ayaa dhacay shalay galinkii dambe waxaana meydka carruurta la helay barqanimadii maanta iyadoo ilaa xalayba la raadinayey.

Magaalada Godobjiiraan waxay dhinaca koonfur berid kaga began tahay magaalada Goroowe ilaa 100 KM waana dhul beeralay iyo dhul daaqsimeed isugu jira.

Axmed Sh, Maxamed Tallman
Idaacadda Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: