HomeUncategorized

Labada dugsi sare ee Al-waaxa Garoowe iyo Bossaso Secondary oo isugu soo haray finalka Tartan iyo Tacliin.

Bossaso, Sept 17 - Dugsiga sare ee Al-waaxa Garoowe ayaa caawa u soo baxay finalka Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee Daljir ka dib markii uu ka badiy

Burcad-badeed Somali ah oo $12 Million oo dollar ku sii daayey markab laga leeyahay dalka Kuwait.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.
Markab laga leeyahay waddanka Britain oo loo diiday in uu ku xirto marsada degmada Laasqoray.

Bossaso, Sept 17 – Dugsiga sare ee Al-waaxa Garoowe ayaa caawa u soo baxay finalka Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee Daljir ka dib markii uu ka badiyey dugsiga sare ee Muntadda Burtinle, iyadoo xalayna uu soo baxay dugsiga sare Bossaso Secondary ee magaalada Bossaso kuwaasi oo u tartami doona kaalinta koowaad.

Tartankii caawa ayaa labada dugsi sare ee Alwaaxa Garoowe iyo Muntadda Burtinle waxay galeen bareejo ka dib markii mid kasta uu helay 11 dhibcood, waxaana lagu daray min hal su’aal oo dheeraad ah waxaana su’aashiisii gartay Al-waaxa Garoowe sidaasna ku guuleystay sida uu ku dhawaaqay garsooraha barnaamijka ahna madaxa waxbarashada ee dalladda dugsiyada ahliga ah ee Puntland C/laahi Cali Xuseen.

Labadii dugsi ee xalay iyo Caawa laga badiyey ee Muntadda Burtinle iyo Xaaji Cali Biixi Galkacyo ayaa habeen dambe foodda isdari doona si ay ugu tartamaan kaalinta sadexaad, intaasi ka dibna waxaa baratan Xooggan dhexmari doonaa labada sckool ee fiinalka taagan.

Barnaamijka Tartan iyo tacliin ee idaacadda Daljir waxaa abaalmarin lacageed ku bixineysa shirkadda isgaarsiinta ee Golis telecom Somaliya waxaana abaalmarinadaas heli doona sadexda kaalimood ee ugu horreeya iyo kaalinta anshaxa suubban.

Axmed Sheekh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: