Wareegii 4-aad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo caawa bilawday. Yaa Hardamay?

Bossaso, Sept 16 – Labada dugsi sare ee Boosaso Secondry iyo Xaaji Cali Biixi Galkacyo ayaa ku baratamay Barnaamijka tartan iyo Tacliin ee idaacadda Daljir oo galay wareeggii afraad.

Labada dugsi sare ayaa sidii caadada aheyd midkiiba waxaa la weydiiey 8 su?aalood, dugsiga Xaaji Cali Biixi Galkacyo ayaa ka jawaabay 6 ka mid su?aalahaasi iyagoo hal su?aalna ka faa?iideystay sidaasna waxa ay ku heleen 13 dhibcood.

Dugsiga Bossaso secondry ayaa isna ka jawaabay 7 ka mid ah su?aalahaasi hal su?aalna ka faa?iideystay sidaasna ku helay 15 dhibcood oo guushu ku raacday sida uu ku dhawaaqay Yuusuf Suudi Cabdi ku xigeenka guddoomiyaha dalladda dugsiyada ahliga ah ee PL oo ahaa garsoorka Barnaamijka.

Barnaamijka tartan iyo Tacliin oo caawa galay wareeggii afraad ayaa si habsami uga socday dhammanba deeganada Puntland oo si toos ah looga dhageysto idaacadda Daljir, waxaana Tartankaan ka qeybgalay 24 dugsi sare iyadoo wareegga afraadna ay isugu soo hareen 4-ta dugsi ee kale ah labada caawa tartamay iyo Al-waaxa garoowe iyo Muntadda Burtinle oo habeen dambe tartami doona.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin waxaa abaalmirin lacageed oo qaali ku bixineysa shirkadda isgaarsiinta Golis waxaana gabagabada abaalmirinno kale duwan la guddoonsiin doonaa sadexda dugsi ee ku kala guuleysta kaalimaha koowaad, labaad, sadexaad iyo kaalinta anshaxa.

Dadweynaha dhageysta idaacadda daljir ayaa siyaabo kale duwan u cabbiraya fikirkooda ku aadan cidda qaadi doonta koobka aqoonta ee ay daljir dhigtay.

Axmed Sheekh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com