Laascaanood, SSC-Khaatumo iyo wararkii ugu danbeeyey

Laascaanood, SSC-Khaatumo iyo wararkii ugu danbeeyey

Todobaadkan xaaladda magaalada Laascaanood ayaa deggan waxaana soo bidhaamaya suuqyada oo meherado horleh ay furmayaan, waxaana dib u soo noqonaya ganacsatada meherada yaryar iyo kuwa wadhatada ah oo aan horey u soo dhiirran jirin. Tan labaad ee dadka dib u soo celinaysa ayaa ah tuugo ku soo badatay magaalada kuwaas oo guryaha laga maqanyahay bililiqaysanaya, waloow maalmahan qaar badan oo tuugta magaalada gacanta lagu soo dhigay, waana qayb sababaha dad badani ay ugu soolaabanayaan magaalada.

Dhanka abaabulka dagaalka, waxaa weli xawli ku socda qorshaha ciidamada difaaca ee SSC ay ku xoreynayaan degaanada weli ku jira gacanta Somaliland, siiba dhanka Goojacadde. Waxaana maalmahaan isa soo taraya warar aan weli la xaqiijin oo sheegaya in qayb ciidamadii Somaliland ee Goojacadde loo qaaday dhanka Buurta Gacan Libaax oo ah furin cusub oo ku furantahay maamulka Muuse Biixi. Buurta Gacan Libaax waxaa maalmahaa si xawli ciidamo ugu urursanayey beesha Garxajis oo ku dhawaaqday dagaal hubeysan oo ka dhan ah maamulka Muuse Biixi.

Dhanka maamulka degaanka, 41 xubnood oo hoggaanka SSC noqonaya ayaa la dhaariyey taas oo ka dhigaysa SSC-Khaatumo maamul ka madaxbannaan hoggaanka dhaqanka. Golaha 45ta oo dadka badankoodu aysan faham buuxa ka haysan, uuna ka dhashay hadalhaynta ugu badan ayaa shacabku hadda u fahmeen in uu yahay gole barlamaan. Golaha ayaa yeelan doona Guddoomiye iyo Guddoomiye Kuxigeen.

Golaha SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale waxa uu yeelan doonaa Golaha Fulinta oo laga dhex dooran doona isla golaha, kana koobnaan doona sida Daljir loo xaqiijiyey 11 xubnood oo kala ah Guddoomiye (ama Hoggaamiye), Kuxigeen iyo sagaal Xoghaye.

Golaha SSC-Khaatumo ayaa noqon doona kan haga dhammaan halganka, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhammaan wixii maamul dawlo looga baahnaa.

Dhanka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo raalligalintii hore ee khilaafka ba’an ka dhex dhalisay bushada SSC, gude iyo dibadba, waxaa ka danbeeyey Garaad Jaamac Garaad Cali oo mar kale hadalo xanan leh dusha kaga tuuray masuuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya, khaasatan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, kuna eedeeyey in aanay daacad ka ahayn dhacdooyinka ka dhacaya gobolka Sool.

“Labada nin ee isku sidkan, Xamse iyo Xasan, waxaan leeyahay ‘prove me wrong’ oo waxaad tidhaahdaan ‘dadka reer Laascaanood dhibaatada lagu hayo ha laga daayo,'” ayuu Garaad Jaamac si aan weecweecad lahayn kaga yiri xaflad soodhaweyn ah oo ka dhacday dalka Zambia.

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa Xasan iyo Xamse u sheegay in ay ka dabatagaan haweeneyda Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya hadalkii ay ka sheegtay Golaha Ammaanka, kuna sheegtay in 30 ruux oo kaliya ay Laascaanood ku dhinteen.

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee SSC-Khaatumo, gude iyo dibadba.

Maxamed Cali Bile | Daljir Laascaanood | Maamulka Cusub ee SSC-Khaatumo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com