HomeUncategorized

Laamaha caafimaadka Baqdaad Ooo shaaciyey in ay sii korortay tirada dhimasho ee weeraradii xalay

Baqdaad, July 21- 2013 - Tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay 45 ruux oo dhamaantood rayid ah, kadib qaraxyo waa weyn oo xalayto ka dhacay magaalada Baqdaad ee xaruunta dalka Ciraaq.

(Dhagayso) Caawa iyo Daljir Wariye_Cabdifitax_Cumar_Geeddi
Saddex idaacadood oo ku yaalla Galkacyo oo xalay la weeraray iyo mid ka mid raggii falkaasi ka dambeeyey oo la qabtay.
DHEGEYSO-Wareega 2aad ee Barnaamijka tartan iyo tacliin oo lasoo gabagabeeyey.

Baqdaad, July 21- 2013 – Tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay 45 ruux oo dhamaantood rayid ah, kadib qaraxyo waa weyn oo xalayto ka dhacay magaalada Baqdaad ee xaruunta dalka Ciraaq.

Waxaa la xaqiijiyey in lix weerar oo wada qaraxyo ah ay dheceen, waxaana weeraradaasi loo adeegsaday lix baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, tirada dhaawaca ayaa iyadana aad u korortay.

Xaafadaha? Tobchi, Karrada, Jididayh, Shurta, iyo Zafaraniyah oo ku yaala magaalada Baqdaad ayaa qaraxyadu ka dheceen, waxaa la sheegay in weeraradu dheceen xili dadku afureen oo ay dhoobnaayeen hareeraha wadooyinka waa weyn.

Xaruumaha caafimaadka ee magaalada Baqdaad ayaa baahiyey in tirada dhimashada ay haatan halkaas marayso, waxaanse ilaa hadda aan xog rasmi ah laga helayn cida ka dambeysay weeraradan, Ciraaq waxaa ka dhaca weeraro ku salaysan siyaasada iyo kuwa kale oo khuseeya arimaha diimaha.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: