Laamaha Amniga Puntland Oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay degaano ku yaalla dhulka Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari

HomeWararka

Laamaha Amniga Puntland Oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay degaano ku yaalla dhulka Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari

laamaha Amniga dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaa Ciidamada Daraawiishta, kuwa PSF & PMPF ayaa howlgal gaar ah oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Shil Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Bartamaha Bossaso (Sixitaan, Masawiro & Waraysi)

laamaha Amniga dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaa Ciidamada Daraawiishta, kuwa PSF & PMPF ayaa howlgal gaar ah oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyay degaano kuyaalla dhulka Buuraleyda ah ee Silsilada Golis ee Gobolka Bari.

Ujeedka howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay ay ku sheegeen in uu ahaa sidii dhulka Buuraleyda ah looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo aad ugu xoogan, isla markaana mararka qaar ay weerar kasoo qaadaan.

Taliyaha Aaga silsilada Golis ee Ciidanka Difaaca Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire, ayaa sheegay inay Ciidamada howlgalka kula wareegeen dhamaan fariisimihii Al-Shabaab ee Buuraleyda Goolis kadib markii ay isgaa tageen Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada difaaca Puntland ay howlgalka ku qabteen Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo dawooyin ay isticmaalayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.

Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya degaano katirsan Gobolada Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: