Kuuriyada Koonfureed oo Ciidamadeeda kala baxaysa Xeebaha Soomaaliya

HomeWararka

Kuuriyada Koonfureed oo Ciidamadeeda kala baxaysa Xeebaha Soomaaliya

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa bilaawday in daad-gureyso Ciidamadeeda la dagaalanka burcad Badeeda Soomaalida ee ku sugan qeybo kamid ah Xeebaha d

Puntland oo dib-u-eegis ku samaynaysa xeerka kufsiga (dhegayso)
Tartanka Ciyaaraha degmooyinka gobalka Bari & Sanaag oo si habsami leh Bosaso uga socda (Sawiro)
Boqorkii kubadda cagta ee reer Brazil ee Pele oo geeriyooday

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa bilaawday in daad-gureyso Ciidamadeeda la dagaalanka burcad Badeeda Soomaalida ee ku sugan qeybo kamid ah Xeebaha dalka Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii lix askari oo kamid ah Markabka wax burburiya ee Kuuriyada Koonfureed ka joogay Xeebaha Soomaliya laga helay Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Wasaaradda gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay Xeebaha Soomaliya kala baxeyso 300 oo Askari oo 80 kamid ah lagu arkay astaamaha Cudurka Coronavirus, kuwaas oo ku howlgalayay Markabka Munmu the Great.

Sida ay warisay Wakaalada Wararka ee Yonhap Ciidamada Millateriga qeybta la-dagaalanka Burcad Badeeda ay tageen Biyaha Soomaliya bishii Febraayo iyaga oo aan la tallaalin, laakiin Ciidamada qaar ay awoodeen in ay ku helaan talaal dibada ah bilowgii bishii May.

“Bishii Febraayo, ciidamada Kuuriyada Koonfureed ee da’doodu ka yar tahay 30 jir ayaa kaliya haystay fursad ay ku qaataan tallaalka Pfizer ama ma aysan heli karin ka hor ama inta lagu gudajiray howlgalka qayb ahaan sababo la xiriira shuruudahakaydinta Pfizer oo markii dambe dib loo eegay ayaa lagu yiri” War kasoo baxay xukuumadda Seoul.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: