Kulankii Golaha Wasiirada Jubbaland oo Arrimo kala duwan loga hadlay

HomeWararka

Kulankii Golaha Wasiirada Jubbaland oo Arrimo kala duwan loga hadlay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo laga

Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya oo Qirtay in Ilaaladiisu Dileen Wasiir Cabbaas (Daawo)
Guddoonka Barlamaanka Galmudug oo ka horyimid Shirka Garoowe (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Doolow (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golahu ay ka doodeen Arimaha doorashooyinka Qaranka gaar ahaan guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka dalka oo dhawaan la tashi u yimid Jubbaland kuwaas oo la kulmay Hay’adaha kala duwan ee Dowlada iyo Bulshada waxaana ay isku raaceen in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda isla markana fariintii Dowlada iyo shacabka Jubbaland ay Guddiga u dhiibeen ay taas ahayd.

Dhinaca kale golahu waxay ka hadleen xaalada fatahaadaha iyadoo Wasiirka Arimaha gudaha Mudane Maxamed Warsame Darwiish laga dhagaystay saamaynta ilaa hada ka dhalatay iyo qorshaha Wasaarada ee sidii gurmad loogu fidin lahaa meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyadoo uu Wasiirku xusay in gurmad laga sameeyay meelaha qaar guul weyn laga gaaray isla markana qorshe weyn oo mustaqbalka arintan lagu wajaho ay u baahan tahay.

Wasaarada Caafimaadka ayaa soo bandhigtay in guud ahaan deegaanada Jubbaland laga furay 4 Xarumood oo waa weyn kuwaas oo wax badan kusoo kordhinaya adeegyada caafimaadka ee Bulshadu ay u baahan tahay waxaa kale oo la furay 24 xarumood oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa sharaxaad ka bixisay hanaanka bad qabka xoolaha iyo talaalkooda oo kasocda guud ahaan Jubbaland iyadoo hada shaqada ugu badan ay gabo gabo ku dhowdahay dhamaan deegaanada Jubbaland la gaarsiiyay talaalka xoolaha.

Diwaanka
Wararka daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: